Iyadoo lagu wado in dhowaan ay soo gabogabeeyaan Acmaasha Xajka sanadkaan Cibaadeystayaal (Xujey) ka kala yimid Dunida daafaheeda kuwaasoo buux dhaafiyay Wafooyinka Magaalooyinka Maka & Madiina, waana markii ugu horeeysay intii uu socday Cuddurka Caabuqa tiro (1-million) oo Xujey ay gaaraan Dalka Sacuudiga…
Boorar lagu soo dhoweynaayo Xujeyda gudanaaya waajibaadka Xajka Sanadkaan, waxaana aad loo sugay Amniga Magaalooyinka, mid ka mid ah Xujeyda ayaa sheegay:-

Hal Million oo Xujey ah ayaa gudanaaya Sanadkaan iyadoo 850-Xujey ah ay ka yimaadeen Dalka dibadiisa, waxaana la sheegay in 2019-kii ay u dambeysay iney Xujey gaaraan Dalka Sacuudiga markaasoo 2.5-million ay soo xajiyeen.
Sabadkaan Qiimaha Xajka ayaa sare u kac xoogan ku yimid, iyadoo Qofkiiba uu qiimaha uga baxaaya lagu sheegay 5000-US$, waana qiimihii ugu sareeyay, iyadoo loo aaneynaayo kororka Qiimaha Xajka cudurka Covid-19 iyo sicir barar ku yimid Raashinka iyo tikidhada Diyaaradaha.