Dagaal Khasaare Geystay oo u Dhaxeeya Xoogag Iskood isku Abaabulay & Kooxda Shababka

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxayo Dagaalo xoogan oo u dhaxeeya Xoogaga hubeysan ee Macaawisleyda iyo Maleeshiyaadka kooxda Shabaabka ku dhex maray degaan Galbeedka Magaalada Beledweyne ka xiga ee Xarunta Gobolka Hiiraan…

Dagaalka ayaa ka dambeeyay  kadib markii xoogaga Macaawiisleyda ay weerareen degaano ay Galbeedka Beledweyne kaga sugan yihiin Kooxda Shabaabka, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xoogan oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoo uu ka dhashay Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Afhayeenka Xoogagaan Maxamed Sheekh Salaad ayaa sheegay in dagaalka ay khasaaro ku gaarsiiyeen Maleeshiyaadka kooxda Shabaabka, balse dhankooda uu jiro khasaaro dhaawac ah, isla markaana ay la wareegeen degaannadii lagu dagaalamay, waxeyna Dowladda Federaalka & Maamulka Hirshabelle ka codsadeen gurmad.

198640cookie-checkDagaal Khasaare Geystay oo u Dhaxeeya Xoogag Iskood isku Abaabulay & Kooxda Shababka
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com