Maamulka Xasan Sheekh ayaa Danjire cusub u Magacaabay Dalka India

Somalia news World

Warar hordhac ah ayaa laga helayaa Magacaabistii ugu horeeysay ee Maamulka Xasan Sheekh ugu magacaabay Danjiraha cusub ee Somalia uga Wakiilka noqon doono Dalka India, Danjirahaan ayaa bedeli doona Danjirihii hore Faadumo Cabdulaahi ”Insaaniya”.

Warar ayaa sheegay in munaasabad ka dhacday xarunta Madaxtooyada Dalka India (Rashtrabati Bhavan), ayaa so heer sare ah loogu soo dhawaayay, Danjiraha oo ay wehliyaan shaqaale ka tirsan Safaarada Somalia, uuna hormuud u ahaa Sii-hayaha Safaarada JFS Mr.Cabdifataax Cabdullaahi Nuur.

Madaxweynaha India Mrs.Droupadi Murmu ayaa ka gudoontay Warqadihii aqoonsiga, wuxuun Danjiraha cusub Mr.Axmed Cali Daahir u gubiyay dhambaal uu ka siday Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, waxeyna ka wada hadleen guud ahaan Abaaraha iyo cuno yarida Aduunka xiligaan ka tagaan gaar ahaan Somalia, iyadoo Dalka India ay balanqaaday iney gacan ka geysan doono.

210210cookie-checkMaamulka Xasan Sheekh ayaa Danjire cusub u Magacaabay Dalka India
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com