Xogo loo qaateen ah ayaa xaqiijiyay in Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday (Farmaajo) iyo Wasiirka 1-aad ee Dowladda Xil gaarsiinta (Rooble), ayaa si hoose ugu heshiiyeen iney wakhtiga ku lumiyaan (deleying tactics) ilaa laga gaarayo Sanadka soo socda, taasoo ah riyadii Farmaajo inuu muddo hal sano ah ku darsaday…
Sida la muuqata Jadwalka Doorashada laguna soo hadal qaadin wakhtiga la qabanaayo Doorashada Madaxweynaha, waxaase lagu sheegay in Doorashada labada Aqal lagu soo gabagabeynaayo Bisha Oktober ee Sanadkaan, Sida la wada og yahay Doorashada Madaxweynaha waxey u baahan tahay 45-maalmood iyo dhismaha guddiyada Baarlamaanka.
Dhanka kale Mr.Rooble ayaa qorsheystay inuu Safar dibada ah Dalka dhowaan uga baxo, iyadoo howlo badan u yaalaan, wuxuuna qorsheystay inuu safaro ku gaaro Dalalka Qatar iyo UK, Sida ay ilo wareedyo loo qaateen ah ah u xaqiijiyeen Warsidaha Diinah.com news, Safaradaan ayaa u muuqda kuwo wakhtiga Doorashada lagu luminaayo xiligaan aan loo baahneynin, waxaana laga digay in Safaradaan iney horseedi karaan Qalalaase Siyaasadeed iyo dagaalo.