Ma Dhabaa In Gadiid dagaal, Rasaas iyo Walxo qarxa lagu qabtay Guryo ku yaal Magaalada Mogadishu

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ayaa sheegay in Todobaadkii ugu dambeeyay Xoogaga Xuuraanka ee Hey’adda NISA ay laba jibaareen howlgalada lagu ugaarsanaayo Kooxaha gacan saarka la leh kuwo argagixisada isla markaasna lagu tumaayo iney Fududeyn jireen gudbinta qaraxyada iyo Maleeshiyaadka…

Xogtaan ayaa xaqiijisay in ilaa 5-Gaari kuwa dagaalka ah oo Ciidamada Dowlada ay iska leeyihiin qandaraasna ku qabay iney gudbiyaan Gaafiidka Miineysan, Rasaasta iyo Maleeshiyaadka hubeysan oo lagu weerari jiray xarumaha Dowlada,Hoteelada iyo goobaha kale.

Gaadiidkaan ayaa lagu kala qarin jiray shan guri ku kala yaal Degmooyinka Hodan, (xerada Oodweyne), Dayniile iyo Yaaqshiid, waxaana la sheegay in sidoo kale guryo la baaray lagu qabtay Walxaha qarxa, Hub iyo Rasaas badan, waxaana socda baaris la xiriirta Kiiskaan cusub.

217050cookie-checkMa Dhabaa In Gadiid dagaal, Rasaas iyo Walxo qarxa lagu qabtay Guryo ku yaal Magaalada Mogadishu