Dagaal Beeleed Dib uga Qarxay Degaan ka Tirsan Gobolka Galguduud..

Somalia news

Faahfaahin hordhac ah ayaa laga helayaa Dagaal Beeleed dib uga Qarxay Degaan hoos taga Magaalada Dhuusa mareeb er Gobolka Galguduud kaasoo geystay khasaare isugu jira Dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray Maleeshiyaadka labada dhinac…

Wararka ayaa sheegay in ugu yaraan 1-Qof oo Rayid ah ayaa ku geeriyoodey tiro kalena waa ku dhaawacmeen, kadib markii Dad Rayid ah lagu weeraray meel ku dhaw magaalada Dhuusmareeb ee xarunta Galmudug, Falkaasi ayaana kadib dagaalku dhacay degaanka lagu magacaabo Qurac mudul, wuxuuna u dhaxeeya Jufooyinka Ayaanle iyo Cabsiiye.

Dagaalka u dhexeeya Malayshiyo Beeleedka ayaa marar kala duwan soo noqdey, waxaana aad u kacsan xaaladda iyadoo Dadka Degaanka ka cabsi qabaan in iska hor imaadku uu xoogeysto, Dirirtaan ayaa salka ku heysa lahaanshaha Degaanka Laas-xaado oo ku dhaw Degmada Dhuusmareeb

318330cookie-checkDagaal Beeleed Dib uga Qarxay Degaan ka Tirsan Gobolka Galguduud..