Muxuu Salka ku Hayay Kulankii Xalay Ka Dhacay Villa Somalia

Somalia news

Warbixin xasaasi ah ayaa muujineysa in Mahdi Guuleed, oo doorasho boob ahayd ku qaatay kursiga HOP239, shaqsiyad saaxiib la ahna u boobay kuraas kale, isla markaasna xiriir dhow la leh Hogaanka Sirdoonka Ethiopia ayaa culeys lagu saaray inuu kulansiiyo Xildhibaanada cusub ee Waqooyiga & Farmaajo…

Xog hordhac ah sida ay muujineyso, Saraakiisha Sirdoonka Ethiopia ayaa la sheegay iney Mahad Guuleed culeys ku saareen inuu abaabulo kulan Farmaajo la yeesho, 57-da Xildhibaan ee aan wali la dhaarin, si uu ula galo sawirro, u jeedkoodu yahay dacaayad siyaasadeed iyo buunbuunin ku aaddan inuu isago hayo malafka kuraasta Soomaaliland.

Kulankan casho sharafta ayaa jawaab u ah kulan dhowr habeen ka hor uu la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha, kaasoo uu dardaaran iyo tallooyin ugu jeediyay Xildhibaannada inay dalka samata bixiyaan oo ay doortaan hoggaan daacad ah.

Xildhibaannada reer waqooyiga ee la martiqaaday ayaa waxaa ku jira kuwo uu horay intooda badan Farmaajo ugu diiday kuraasta oo u watay rag kale intii aanay awooddu gacantiisa ka bixin.

171890cookie-checkMuxuu Salka ku Hayay Kulankii Xalay Ka Dhacay Villa Somalia