Eedeysane Laga Qabtay Isbitaal Oo Boliiska Weydistay Maxkamada In Xabsiga Lagu Sii Hayo

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Eedeysane laga qabta Isbitaal ku yaal Magaalada Mandheera Ee Gobolka Waqooyi bari, kadib markii Isniinta tagtay la Weeraray Laba Bus Duleedka Magaalada, kuwaasoo ay geysteen koox ka tirsan Maleeshiyaadka argagixisada Shababka…

Maxkamada Magaalada Mandheera ayaa la sheegay iney Amartay Ugunyada Baarista Boliiska iney xabsiga ku sii hayaan Eedeysane Maxamed Mukhtaar Wardheere muddo 14-maalmood ah si baarista Boliiska u sii socoto, Eedeysane Wardheere ayaa la sheegay inuu asal ahaan ka soo jeedo Somalia, waxaana lagu qabtay Isbitaalka gudbinta 8-dii Bishaan Ee Tuulada Rhamu, wuxuuna ka mid ahaa dadkii laga soo qaaday goobta (Olla iyo Saruman) inta u dhaxeysa lagu weeraray labada bus.

Boliiska ayaa sheegay in laga waayay Liiska labada bus ee Rakaabka, isagoo (Eedeysanaha) sheegay inuusan aqoon dhalashadiisa isla markaasna uusan caafimaadkiisa ficneyn, Eedeysanaha ayaa laga helay Talefon gacmeed (Mobile), iyadoo Boliiska ay u gudbiyeen xafiiska ATPU Ee Nairobi Lab si baaris dheeraad ah loogu sameeyay, Maxkamada ayaa muddeysay in Eedesanaha la horkeeno 25-ka Bishaan, inkastoo uusan noqon doonin kii ugu dambeeyay dhageysiga arrimaha dacwada.

124270cookie-checkEedeysane Laga Qabtay Isbitaal Oo Boliiska Weydistay Maxkamada In Xabsiga Lagu Sii Hayo