Sarkaal ka tirsan CIA oo lagu khaarajiyay Somalia

Somalia news

Faahfaahin ayaa laga helayaa Sarkaal ka tirsan CIA-da Mareykanka oo todobaadkii hore lagu dhaawacay gudaha Somalia kadibna u dhintay, sidda ay ku warantay warbaahinta Mareykanka, Sarkaalkaan ayaa ka mid ahaa kuwa Khaaska ah…

Sidda ay ku warantay CNN, sarkaalkan aan magaciisa lasoo bandhigin wuxuu sidoo kale kasoo mid ahaa Ciidamadda Badda Mareykanka [Navy SEAL], Lama ogga magaaladda uu ka dhacay weerarka lagu dilay sarkaalka iyo qaabka uu u dhacay. Laamaha ammaanka Somalia wali kama warbixin dhacdadaas.

Dhimashaddan ayaa imaaneysa xilli maamulka Donald Trump uu ku fekerayo in uu Somalia ka saarayo 500 askari ee Mareykanka ka joogta waddanka.

Ciidamadda Sidda Gaarka ah u tababaran ee Mareykanka ayaa dhigooda Somalia waxay ka caawiyaan la dagaalanka Kooxaha argagixisada sida Shabaabka iyo Daacishta Somalia iyo tababarada.

Hay’adda Sirdoonka Dibada Mareykanka ee magaceeda loo yaqaano CIA ayaa ka gaabsatay in ay ka hadasho dhacdadan. Balse wargeyska New York Times wuxuuu noqdey isha koowaad ee laga soo wada xigto geerida sarkaalka.

74910cookie-checkSarkaal ka tirsan CIA oo lagu khaarajiyay Somalia