Wararkii ugu Dambeeyay Isbedelada ka socda Degmada Doolow

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa sheegay in Dowlada Federaalka ay ka codsatay Dowladda Ethiopia iney bedelaan dhamaan Ciidamada ku sugan garoonka diyaaradaha ee magaalada Doolow, kadib markii lagu eedeyay iney la safan yihiin yihiin Hogaankii Maamulkii Farmaajo, kuwaasoo caqabad ku ah Amaanka iyo xasiloonida Gobolka Gedo..

Wararkaan ayaa sheegay in Ciidamo cusub oo Ethiopian ah la geeyay Garoonka Diyaaradaha Doolow, waxaana munaasabadaasi ka qeyb galay Taliyaha cusub ee NISA iyo Hogaanka Ciidamada Dowlada Federaalka, halka ay ka baaqasadeen iney xafladaasi ka soo qeyb galaan Maamulkii Gobolka.

Degmada Dooloow oo ay labo isbaheysi isku haystaan ayaa iminka umuuqda inuu sii xoogeysanayo Isbaheysiga Janan iyo Fartaag ay wataan kadib markii uu ku soo biiray garabkooda Taliye Ku-xigeenka NISA ee Gedo Sandheere, halka Abasnduulihii Ciidamada Dowlada (Niinile), looga yeeray magaalada Mogadishu xabsi gurina la geliyay.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan uu taageeray howlaha ay ka wadaan Farataag iyo Janan Degmada Doolow ee ah xoreynta ururka Al Shabaab Dowladdana ay doorkeeda ka qaadan doonto, iyadoo Ciidamada Eriteria lagu tababaray ay qeyb ka mid ah saldhig looga dhigi doonaa degmada Dooloow sida ay tibaaxayaan xogaha qarsoon aan helnay.

232360cookie-checkWararkii ugu Dambeeyay Isbedelada ka socda Degmada Doolow
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com