Dabeylo Xoogan ee Xiliga Xagaaga oo Hoy la’aan ka dhigtay Kumanaan Qoys..

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Degaanka Luglow oo Kismaayo u jira 25-km oo ay ku nool yihiin 9-Kun oo Qoys ayaa wajahaya xaalad hoy la’aan iyo Cuno yari, markii dabeysha xagaaga ay ka dumisay guryo u badnaa cooshado bishii toddobaad ee sanadkan, iyadoo Maamulka Dowlada Federaalka kan Jubbaland lagu eedeeyay iney gargaar u fidiyaan Barakacayaashaan…

Wararka ayaa sheegaya in Tan iyo 22 bishii July ee Sanadkaan Dadkaan waxaa hoy u ah geed hoostiis, Dushiisa waxaa u saaran bac ay maalintii qorraxda ka galaan habeenkiina ay huwadaan, iyagoo cod dheer ku dalbaday in Gargaar loo fidiyay, sidoo kale Barakacayaasha ayaa Xaalad Caafimaad ku heysataa Degaanka, iyadoo Daawada ay gabaabsi ka tahay tuulada.

Guryahaan qaarkood ayaa waxaa Hay’adda UNHCR u dhistay bishii Janaayo ee sanadkan, Mashruucaan ayaa ka mid ahaa 700 oo guri, kuwaasoo loo dhisay qoysaska soo barakacay ee ku nool degaanka Luglow. Dhamaantood ayay dabeyshu la tagtay sida uu sheegay guddiga barakaca iyo qaxootiga Jubbaland.

273230cookie-checkDabeylo Xoogan ee Xiliga Xagaaga oo Hoy la’aan ka dhigtay Kumanaan Qoys..