Sidee Loogu Qeybiyay Talaalka Gobolada Dalka

Somalia news

Macluumaad ayaa laga helayaa sidii loo Qeybiyay shixnadii Talaalkii la keenay, iyadoo la sheegay Hey’adda Caafimaadka Aduunka ay shaacisay in Maanta loo kala qaaday talaalka loogu tala galay Magaalooyinka Hargeysa iyo Garoowe ee Maamulada Somaliland iyo Puntland…..

Qeybta 1-aad Ee Talaalka soo gaartay Dalka Ayaa gaareysa 300.000 Goojo, iyadoo guud ahaan loogu talo galay 1-million iyo 200-kun oo Goojo, waxaana wada farsameeyay Talaalkaan Shirkadaha AstraZeneca, Gavi, Cepi vaccine iyo UNICEF Somalia, iyadoo 12-EUROPE ah ay joojiyeen Isticmaalka ay Talaalkaan sababo la xiriira xagga Cafiimaadka.

Howlwadeenada UNICEF Somalia ayaa sheegtay loo Qeybiyay Shixnadaan talaalka Gobolada Dalka sida hoos ku xusan:-

Gobolka Benadir 90-Kun Oo Goojo

Somaliland 65-Kun Oo Goojo

Puntland 40-Kun oo Goojo

Jubbaland 30-Kun oo Goojo

K/Galbeed 30-Kun oo Goojo

Galmudug 25-kun oo Goojo

H/Shabelle 20-kun oo Goojo

102100cookie-checkSidee Loogu Qeybiyay Talaalka Gobolada Dalka