Muwaadiniin Soomaaliyeed oo 12-sano Cumaan ugu xirnaa Burcanimo Badeed Oo La Siidaayay

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari (Puntland) ayaa sheegaya Maamulka magaalada ay ku soo dhoweeyeen 17-Maxaabiis muddo dheer ku jiray Xabsiyada Dalka Cumaan kuwaasoo lagu eedeeyay falal burcadnimo muddo dheerna ku xirnaa Dalkaasi..

Wararka ayaa sheegay in Mas’uuliyiinta Dalka Cumaan ayaa Maxaabiistaan cafis u fidisay, kadib markii Safaarada Somalia ee Dalkaasi, ay dadaal xooggan ku bixisay sidii maxaabiista Soomaaliyeed looga sii dayn lahaa xabsiyada.

Qaar kamid ah Maxaabiistaan ayaa lagu xukumay Madaxaa ha ku furto (Xabsi Daa’im), Hase yeeshee Saraakiisha Safaarada ayeey uga mahad celiyeen iney ku guulaysteen in xukunkooda laga qafiifiyo.

Dhinaca kale, 12-kale oo Maxaabiis Soomaaliyeed ah ayaa weli ku xiran xabsiyada Dalka Cumaan, kuwaasoo u baahan in dadaal loo galo sidii ay xorriyadooda dib ugu heli lahaayeen dalkoodana dib loogu soo celin lahaa.

197350cookie-checkMuwaadiniin Soomaaliyeed oo 12-sano Cumaan ugu xirnaa Burcanimo Badeed Oo La Siidaayay