Talaal Cudurka COVID-19 Oo Somalia Loogu Deeqay

Somalia news

Dowladda China ayaa waxaa lagu wadaa in Maanta oo Axad ah ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku wareejiso 200.000 oo ah talaalka Cudurka Safmareenka ah ee COVID19 ee loo yaqaano Sinopharm Vaccine, oo ay dowladda China soo saartay….

Dhawaan Danjiraha Somalia u fadhiya dalka China Danjire Cawaale Cali Kulane ayaa la saxiixday dowladda dalkaas heshiis tallaalka looga hortago cudurka COVID-19  shirkadda Sinopharm ee dalka China lagu keenayo Somalia, wuxuuna sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in talaalkan ay dowladda China ay dalkeena ugu deeqdo si Bulshada Soomaaliyeed ee uu dhibaatada ku hayo Cudurka Cornavirus uga hortagaan.

Horay Dalka Somalia ayaa waxaa loo keenay tallaalka Oxford/Astrazenica oo dhan 300,000 qiyaas oo loogu talagalay shaqaalaha safka hore si jirkooda uu u helo difaaca kahortagga Cudurkaan, inkastoo la sheegay inuu cilado laga sheegay dalal badan ay hakiyeen isticmaalka Talaalka.

109820cookie-checkTalaal Cudurka COVID-19 Oo Somalia Loogu Deeqay