Sarkaalk Ku Lug Yeeshay Is-Rasaaseyn

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar qorsheysan oo lagu qaaday Sarkaal ka mid ahaa Saraakiishii Ciidamada Badbaado Qaran, taasoo la sheegay Wadada Warshada Caanaha ee Magaalada Mogadishu, iyadoo is-rasaaseyntaasi ay ka dhalatay khasaare dhimisho iyo dhaawac soo gaaray Dadka Rayidka..

Wararka ayaa sheegaya Ilaalo la socotay Saraakaalka lagu magacaabo Liibaan Maxamuud Yuusuf ( Liibaan Madaxweyne) kana mid ahaa Ciidamada Badbaado Qaran, ay lagu rasaaseeyay agagaarka Isgoeyska Warshada Caanaha, waxaana falkaasi geystay Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Federaalka ee daacada u ah Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo.

Waxaa la xaqiijiyay in Qof rayid ah uu ku geeriyooday halka Qof kale uu ku dhaawacmay, iyadoo goobtaasi lagu kala cararay, warar aan la xaqijin ayaa sheegay iney labada Ciidan kala shakiyeen, iyadoo Ciidamada Dowladda ay rasaasta kor u ridaayeen si Ay wadada oo jam aheyd u furtaan halka kuwa Liibaan u qaateen in weerar lagu hayay.

121700cookie-checkSarkaalk Ku Lug Yeeshay Is-Rasaaseyn