Garaadka Sool Oo Wada Tashi kala leh Maamulka Puntland Masiirka 17-Xildhibaan ee Beeshiisa..

Somalia news

Macluumaad ayaa laga helayaa dhaqdhaqaaq iyo wada hadalo hoose oo ay yeelanayaan Odayaasha Dhaqanka Gobolka Sool iyo Siyaasiyiin iyo Waxgarad ka soo jeeda Degaanada Puntland, Wada hadaladaan ayaa salka ku haya sidii go’aan mideysan looga gaari lahaa mustaqbalka 17-Kursi ee Gobolka Sool iyo Degmada Buuhoodle…

Wararka ayaa sheegaya kadib markii Garaadka guud (Jaamac Cali ) uu Kulan la yeeshay Odayaasha Dhaqanka Gobolka Sool, ayaa la sheegayaa inuu soo gaaray magaalada Garoowe, xil ay taagan tahay dood la xiriirta mustaqbalka 17-Xildhibaan ee Gobolka Sool iyo Degmada Buuhoodle ay ku leeyihiin Barlamaanka Puntland.

Waxaana Odayaasha Dhaqanka Gobolka Sool laga sugayaa go’aan rasmi ah oo ku wajahan kuraasta iyo saami qeybsiga ay ku lahaayeen Puntland iyo kala maareynta xaaladaha taagan, iyadoo aan awooda maamul ee SSC-Khatumo hoos loo dhigin, iyadoo xogo loo qaateen ah ay sheegayaan in tiro yar oo kuraasta Gobolka Nugaal ay ku leeyihiin oo dhan (5) ayaa dhici karta iney la haraan Beesha Dhulbahanti inta kalena ay ku dhistaan Maamulkooda oo ay ka madax banaanadaan Maamulka Puntland.

Dhanka kale, Qoraal uu bartiisa Facebooku ku faafiyay ayuu ku sheegay Wasiir Maxamed Siciid in uu iska casilay kamid ahaanshaha Xisbiga Xukuumadda Puntland ee KAAH, isagoo gebi ahasn isaga baxay ka mid ahaanshihii Xisbiga Deni, sababo la xiriira in lagu dan gaaray.

293630cookie-checkGaraadka Sool Oo Wada Tashi kala leh Maamulka Puntland Masiirka 17-Xildhibaan ee Beeshiisa..