Maxaa Xiligaan Keenay Dib u soo Laabashada Dagaalka Beelaha..

Somalia news

Waxaa bilihii ugu dambeeyay isa soo taraayay Cabsida laga qabo in Maleeshiyo-Beeleedyada la hubeeyay in dagaalo dhexdooda dib u bilaabaan, kadib markii uu hakad galay Dagaalka lagula jiro kooxda Shababka, isla markaasna ay Xoogaga hubeysan ay Villa Somalia ka heleen hub iyo Saanad, taasoo ku dhiirisay Beelaha qaarkood iney Dhul balaarsi bilaabaan…

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in Maamulka Xasan Sheekh marar badan digniino hordhac ah laga siiyay iney dhici karto in dib u soo cusboonaado dagaal beeleedyada, waxaana talo loogu soo jeediyay in Maamulku uu joojiyo hubka uu u qeybinaayo Beelaha isla markaasna u qabto kulamo lagu heshiisiinaayo.

https://fb.watch/lxd_bD-5Qx/?mibextid=VUMmCQ

Khubarada ku takhasustay Arrimaha Amaanka Gudaha ayaa ka digay in hubeynta beelaha ay dhibaato weyn ka dhalan karto, iyadoo Dadka Soomaaliyeed ay weli isku dayayaan inay ka soo kabtaan colaadihii hore, isla markaasna xiligaan ay jiraan cabasho badan iyo dhul la kala dhacay.

Nasiib darro, xaalada waxey u muuqataa in Hogaanka Villa Somalia xiligaan uu ka maqan yahay fahamka aasaasiga ah ee leedahay xiisadahaan, Xiligaan waxaa soo shaac baxaaya in qolo qolo kale hanjabaad hawada u soo mariyaan, iyagoo dalbanaya in Beesha ay ka baxdo degaanada ay qabsadeen, waxeyna u qabteen muddo 48 saacadood gudahood ah, waxaana laga cabsi qabaa in xaaladdu isu beddesho dagaal toos ah.

Iyadoo Degaanka ay hadda xiisadaasi ka taagan tahay waxaa lagu magacaabaa Xalfooley, wuxuuna dhacaa xuduuda labada Gobol, Xalfooley ayaa ka tirsan Shabeellada Dhexe.

263900cookie-checkMaxaa Xiligaan Keenay Dib u soo Laabashada Dagaalka Beelaha..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com