Senator Muuse Suudi Oo Gaaray Magaalada Jowhar

Somalia news

Wararka hordhaca ah ayaa sheegay in Senatar Muuse Suudi Yalaxoow ayaa maanta si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeelada Dhexe, halkaasoo lagu wado inay maalmaha soo socda ka dhacdo Doorashada Aqalka Sare, isaguna Musharax ka yahay…

Soo dhoweynta Senator-ka oo aheyd mid si heerkeedu sareysay ayaa waxaa ka qeyb qaatay Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabelle, Wasiiro, Guddoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe, Maamulka degmada, qeybaha bulshada iyo barbaarta gaashaaman.

Dhoolatuska soo dhoweyntan ayaa jawaab u ah isku dayga Villa Somalia iyo Taliska Nabadsugida ku doonayaan in Kursiga Senetar Muuse Suudi la dhaafiyo, iyagoo taageeraya Musharax kale, maadaama Muuse Suudi udub dhexaad u ahaa abaabulkii looga soo horjeeday muddo kordhintii labada sano ee Madaxweyne Farmaajo

138210cookie-checkSenator Muuse Suudi Oo Gaaray Magaalada Jowhar