Hal Sano Ayaa ka soo Wareegatay Maqnaansha Sarkaaladii NISA Ee Ikraan Tahliil

Somalia news

Hal sano ayaa ka soo wareegatay markii la waayay Sarkaaladii Ikraan Tahliil oo ka tirsaneyd Hey’adda NISA, iyadoo ilaa hadda aysan helin Cadaalad Ehelkeeda, kuwaasoo Dowladda Federaalka u soo jeediyayay in Baaris lagu sameeyo Kiiskaan…

Habeennimo 26 June oo saacadu aheyd 8-dii Fiidnimo ayaa Ikraan la waayay, xilligaas oo ay ka soo baxday guriga ay deganeyd oo ku dhow Xarunta Nabadsugida ee Habar Khadiijo, markaas oo ay Kaamirada Qarsoon soo qabatay, iyadoo gaari sii galeysay.

Kiiska Ikraan Tahliil ayaa ka mid ahaa dhacdooyinkii ugu waa weynaa ee ay la kulantay dowladdii hore oo sabab u noqday in xilka laga qaado Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin, isla markaasna Farmaajo uu soo fara geliyay in Kiiskaan baaris lagu sameeyo.

Kiiska Ikraan ayaa wali ka furan Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, waxaana ka jira isku tuur tuur badan oo dilkeeda iyo waayitaankeeda, NISA ayaa sheegtay in gabadhaas ay dileen Shabaab, halka Al-Shabaab ay iska fogeysay.

197310cookie-checkHal Sano Ayaa ka soo Wareegatay Maqnaansha Sarkaaladii NISA Ee Ikraan Tahliil
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com