Maamulka Gedo Oo Sheegay iney ku Qaban doonaan Doorasho Magaalada Garbahaareey

Somalia news

Inkastoo ay Guddigga Doorashada heer Federaal (FIET) ay soo saareen qoraal ay kaga wareejiyeen Degaan doorashada Degmada Garbahaaray sababo is-biirsaday awgeed una wareejiyeen Degmada Ceel waaq ee Gobolka, ayaa waxaa ku ku gacan seyray Go’aankaasi Farmaajo & Maamulka Beesha, iyagoo soo jeediyay hanjabaado…

Wararka ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Gedo ayaa si adag uga horyimid go’aanka Guddiga Doorashooyinka uu doorashada kuraasta Golaha Shacabka uga wareejiyay Magaalada Garbahaarey, uguna wareejiyay Degmada Ceelwaaq, waxeyna ku tilmaameen sharci darro go’aanka kuraastaasi loogu wareejiyay dhanka Degmada Ceelwaaq.

Gudoomiyaha Gobolka Gedo ayaa ku hanjabay in ay Garbahaarey ku qaban doonaan doorasho barbar socoto midda Ceelwaaq, ayna soo dooran doonaan Xildhibaanada ku harsan Jubbaland ee ka imaanaya gobolkaasi, isla markaasna ay Ciidamo hubeysan u diri doonaan Degmada Ceelwaaq.

182710cookie-checkMaamulka Gedo Oo Sheegay iney ku Qaban doonaan Doorasho Magaalada Garbahaareey
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com