Wiil Soomaali ah Oo Lagu Dilay Caasimadda Sweden

Somalia news

Waxaa aad u sii kordhaaya falalka Dilka ah ee Dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Swedan, iyadoo uu ugu dambeeyay wiil habeenimadii ay Isniintu soo galeysay lagu dilay degmada Hjulsta oo ka tirsan Caasimadda Stockholm..

Sheekh Xuseen Faarax Xaaji Warsame oo ah imaamka Masjidul Nuur oo Soomaalidu maamusho, kuna yaala xaafada Rinkybay ee Stockholm ayaa idaacada VOA-da u sheegay in wiilkaas oo da’diisu aheyd labaatameeyada dilkiisa loo qabtay dad ku dhow 8 qof.

Sheekh Xuseen ayaa sidoo kale sheegay in dilalka Soomaalida ee ka dhaca dalka Sweden ay u badan yihiin kuwa dhex-mara dhalinyarada Soomaaliyeed, oo ayagu u kala qeyb-qeybsan kooxo kooxo, sida uu sheegay.

Sidoo kale Wadaadku wuxuu sheegay inay ku howlan yihiin sidii dowladda iyo ciidamada dalkaas wax ka qabtaan dilalkaas, isagoona xusay inay ka wacyi-geliyaan bulshada Soomaaliyeed sidii ay u xoojin lahaayeen midnimadooda.

Horey waxaa dalka Sweden loogu diley dhallinyaro Soomaaliyeed oo ku dhow 30-meeyo laga soo billaabo 2015-kii, halka ay dhaawacyo kala duwan isku geysteen ku dhawaad Sagaal dhallinyaro.

138260cookie-checkWiil Soomaali ah Oo Lagu Dilay Caasimadda Sweden