Senatorada La Doortay & Dhaqaalaha Lagu Bixiyay Tartanka

Somalia news

Shalay Galinkii dambe ayaa waxaa Magaalada Jowhar lagu doortay 3-dii Senatorada ee ugu horeeyay lagana soo doorto Degaanada Maamulka Hir-Shabelle kuwaasoo mid ka mid ah uu noqday mid aad loogu hardamay, dhaqaale buurana lagu bixiyay..

Kursiga ugu horeeyay oo ahaa midkii ugu adkaa Ee sida weyn loogu tartamay ayaa waxaa ku soo baxay Senator Al-Xaaji Muuse Suudi Yalaxoow, isagoo wareegii 2-aad ku helay 55-cod, wuxuuna ka guuleystay Musharaxa Axmed Daaci oo helay 43-cod, iyadoo Xildhibaanada codeeyay ay tiradoodu dhameyd 98.

Xogo Ayaa tilmaamaya in Kursigaasi lagu bixiyay ku dhowaad 1-million US$, iyadoo 3-musharax ay bixiyeen dhaqaalahaasi, iyadoo arrintaasi uu si cad u ka dhawaajiyay Musharaxa Axmed Daaci, Musharaxa Nuur Maxamed Geedi (Canjeex) ayaa 70-cod ku guuleystay halka Kursiga 3-aad ay ku guuleystay Senator Fartuun Cabdulqaadir Faarax Karaama, kadib markii ay u tanaasushay Musharaxadii la tartameysa.

140800cookie-checkSenatorada La Doortay & Dhaqaalaha Lagu Bixiyay Tartanka