Rooble Oo Qoraal Ka Soo Saaray Kiiska Ikraan Tahliil

Somalia news

Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Mr.Rooble oo war-saxaafadeed soo saaray ayaa ka digay isku day kasta oo lagu marin habaabinayo Kiiska Ikraan Tahliil Faarax, xilli xalay uu Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday oo khilaaf xoogan uu kala dhaxeeyo Rooble uu guddi u magacaabay baaritaanka kiiska.

Qoraalka Sidoo kale ayaa Mr.Rooble ku faray Taliyayaasha Ciidamada Qalabka Sida iney ka fogaadaan tallaabo kasta oo wax u dhimi karta sumcadda Ciidamada qaranka oo dhaawicina karta kalsooni Shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka 1-aad ayaa sheegay inuu aaminsan yahay sida uu dastuurku qabo in Hey’addaha Garsoorka dalka ay ka madax-banaanyihiin laamaha fulinta iyo sharci dejinta ee Dowlada, “Waxaan u xaqiijinayaa Shacabka Soomaaliyeed in aysan kaalin uga banaaneyn Hey’addaha fulinta kuna sameyn karin wax faro-gelin ah kiiska Ikraan Tahliil Faarax,” ayaa lagu yiri qoraalka.

140760cookie-checkRooble Oo Qoraal Ka Soo Saaray Kiiska Ikraan Tahliil