Cabasho laga Keenay Isbedelka Hogaanka Taliska Guutada Danab Ee Ciidamada Dowladda..

Somalia news

Xogo loo qaateen ah ayaa tibaaxaya in isbedel lagu sameeyay Hogaanka Taliska Guutada Danab, oo ah Ciidan Soomaali ah oo Tababrka, Taakuleynta iyo Howlgelinta ay gacanta ku hayaan Ciidamada + Shirkad ka soo jeeda Dalka Mareykanka, iyadoo mar kale isha lagu wada hayaa, kalsooni darro qabiil iyo dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo ka dhashay xil ka qaadis lagu sameeyay Taliyhii Guutada Danab Col. Axmed Cabdullaahi Nuur…

Ilo wareedkaan ayaa tilmaamay in Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, uu si kedis ah u qaatay tallaabo la yaab leh, isagoo xilka kaga qaaday Taliye Danab Axmed C/laahi Nuur oo loo yaqaan “Beeryare” oo ka soo jeeda Beesha Habargedir/Ceyr, wuxuuna ku bedelay Gaashaanle Dhexe Caydaruus Maxamed Xuseen oo ka soo jeeda Beesha Habargedir/Sacad, isbedelkaan ayaa sabab looga dhigay Duulanka Kooxda Shababka ee Gobolada dhexe Beesha Sacadna laga rabo iney Gaadiidkooda Dagaalka iyo Maleeshiyaadkooda ku biiriyaan.

Isbeddelka degdega ah ee lagu sameeyay Taliyaha Guutada Danab ayaa sii xoojiyey khilaafkii iyo shakigii hareeyay Saami qeybsiga Beelaha Habargidir,  kadib markii Taliyaha la bedelay uu si degdeg ah ula xiriiriyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Agaasimaha NISA, ku darsoo Beesha Sacad ayaa Xilkii laga dilay Taliyihii Qeybta 21-aad waxaa la siiyay Beesha Cadaado.

Siyaasiyiinta iyo Odayaasha Dhaqanka ayaan waqti ku lumin iney walaac ka muujiyaan isku shaandheynta, iyagoo u arkayay mid lagu doonayo in lagu maamulo ciidamada Danab, loogana faa’ideysto arrimo siyaasadeed iyo kuwo beeleed, Si kastaba ha ahaatee, Taliska Guutadaan ayaan ka marneyn khilaaf, Saddex xarumood ayeey kala degan yihiin sida:- Balidoogle, Kismaayo, Gaalkacyo, waxaa qayb walba ka amar qaata sarkaal ka soo jeeda Beelaha Degaanka, taasoo taariikh ahaan tuhun ka dhex abuurtay Beelaha kale, isla markaana dhinac ka riixaya beelaha is haya.

266820cookie-checkCabasho laga Keenay Isbedelka Hogaanka Taliska Guutada Danab Ee Ciidamada Dowladda..