Shababka Oo Qorsheynayaa Iney Weeraraan Dekedaha Hobyo & Garacad

Somalia news

Macluumaad Sirdoon oo si hordhac ah loo helay ayaa muujineysa in Horjoogayaasha Kooxda argagixisada Shababka ay dejiyeen qorshe dagaal ay ku doonayaan iney ku qabsadaan Dekedaha Garacad (Puntland) iyo Hobyo (Galmudug), iyadoo Maleeshiyaad ku uruursaday…

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u sheegtay Maleeshiyaad tiradooda lagu sheegay 300 oo laga keenay Gobolada Bay, Bakool, Shabeelooyinka iyo Hiiraan lagu uruurinaayo Degaanada ka tirsan Gobolada Galguduud iyo Mudug, waxaana loo qorsheeyey iney qabsadaan Dekeadaha Hobyo iyo Garacad.

Horjoogayaal ka tirsan Kooxda argagixisada Shababka ayaa maalmahaan kulamo la yeeshay Dadka degaanka ee Maamulada Puntland iyo Galmudug waxeyna u sheegeen in Dhismaha Dekedahaasi ay saami ku leeyihiin Ethiopia, islamarkaana Dadka degaanka looga baahan yahay iney taageeraan Kooxda Shababka.

Maamulada Degaanadaasi iyo Dowladda Federaalka Ayaan ku baraarugsaneyn Qorshaha guracan ee Kooxda argagixisada Shababka, waxeyna mashquul ku yihiin dagaal dhexdooda ah iyo Boobka Doorashada.

161050cookie-checkShababka Oo Qorsheynayaa Iney Weeraraan Dekedaha Hobyo & Garacad