Dowladda oo Shirkad Mareykan ah Qandaraas ku siisay iney Galaangal uga Sameyso Washington

Somalia news

Maamulka Villa Somalia ayaa Qandaraas Dhaqaale badan ku baxaaya ku shaqaaleysiiyay Shirkadda Von Batten-Montague-York, L.C si ay danaha Somalia uga ololeyso Congress-ka Mareykanka, waxaa sidaas qoray wargeyska Africa Intellegence

Qoraal uu Wargeyska qoray ayaa lagu xusay in Shirkadda ay si gaar ah uga shaqeyn doonto sidii ay Congress-ka Mareykanka iyo Maamulka Madaxweyne Biden uga dhaadhicin laheyd in Somalia qeyb ka noqoto Xeerka Kobaca iyo Fursadaha Afrika ama African Growth and Opportunity Act (AGOA).

Mashruuca AGOA waa xeer uu Congress-ka Mareykanka ansixiyey bishii May ee sanakii 2000, Waxaana uu ujeedkiisu yahay inuu caawiyo dhaqaalaha Dalalka Afrika ee Saxaraha ka hooseeya, islamarkaana horumariyo xiriirka dhaqaale ee Mareykanka iyo Gobolka.

Mashruucaan wuxuu Dalalka Afrika u ogolaanaya inay si fudud usoo galaan suuqyada Mareykanka, taasi oo Somalia ay dooneyso inay ka faa’iideysato, Madaxweynaha Mareykanka ayaa go’aan ka gaara dalalka ka qeyb-galay barnaamijkan haddii ay kasoo baxaan shuruudaha u saamaxaya inay ka mid noqdaan.

201380cookie-checkDowladda oo Shirkad Mareykan ah Qandaraas ku siisay iney Galaangal uga Sameyso Washington