Wasiirka 1-aad Oo Kala Diray Guddigii Maamulka Ee Hey’adda Duulista Hawada (HDRS)

Somalia news

Muddo khilaaf xoogan oo la sheegay inuu u dhaxeeyay Wasiirka Wasaarada Duulista iyo Hawada & Guddiga Duulista Hawada (HDRS) kaasoo gaaray inuu soo fara geliyo Wasiirka 1-aad isla markaasna uu qaato go’aan uu ku kala diraayo Guddigaan kadib markii wada shaqeyntii ka dhaxeeysa dhinacyadaan heerkii ugu hooseeyay…

Qoraal uu soo saaray Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha 5-tii bishaan ayaa lagu faray Wasaaradda Gaaadiidka iyo Duulista inay sida ugu dhaqsiyaha badan usoo diyaariso una soo gudbiso Golaha Wasiirada soo jeedinta habraaca tartanka glGuddiga maamulka Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed.

“Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Rayidka waxaa sidoo kale la farayaa in ay soo diyaariso una soo gudbiso golaha wasiirada wax ka-bedelka iyo kaabista sharci ee lagama maarmaanka u ah in lagu sameeyo sharciga hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed, si la jaan-qaadi karto heerka dhismaha hay’addaha Duulista Rayidka ee Caalamka.”

245710cookie-checkWasiirka 1-aad Oo Kala Diray Guddigii Maamulka Ee Hey’adda Duulista Hawada (HDRS)
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com