Xiisado Colaadeed & Cabsi Dagaal ayaa ka Taagan Magaalada Laas caanood Xilli Waan waani Socoto

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Laas caanood ayaa sheegaya in xiisado colaadeed& dhaqdhaqaaq Ciidan ay ka taagan yihiin Magaalada, iyadoo dadaaladii Nabadeed ee Ethiopia ay u muuqdaan kuwo aan rajo badan laga qabin inkastoo magaalada Addis abeba looga yeeray Muuse Biixi iyo Saciid Dani…

Xogtaan ayaa sheegtay in Saakay ay duleedka magaalada dhaqdhaqaaq ka wadaan Xoogaga Somaliland iyagoo isku diyaarinaaya iney ka weeraraan dhow jiho, tallaabadan ayaa ka dhigan in Taliska Korneyl Muuse Biixi uu fashilinayo dadaalladii nabad-raadinta ee ay wado Dowladda Ethiopia.

Dhanka kale, Maamulka Abiy ayaa u yeeray Madaxda Maamulada Puntland & Somaliland iney soo gaaraan magaalada Addis abeba, iyadoo uu horey u sii joogay Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee Wadani (C/Maan Ciro) Halka Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliland ayaa isna shalay gaaray magaalada Addis abeba, isagoo ka soo kicitimay magaalada Laas caanood oo muddo Bil ah ku sugnaa.

246210cookie-checkXiisado Colaadeed & Cabsi Dagaal ayaa ka Taagan Magaalada Laas caanood Xilli Waan waani Socoto