Ma Dhabaa in Hantidhowrka Puntland Uu Baaris ku hayo Xafiisyada Maaliyada

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe Gobolka Nugaal ayaa sheegaya Hanti-dhawrka Guud ee Dowlad Goboleedka Puntland uu xiray Xafiisyada Wasiirka Maaliyada, kadib markii khasnada laga waayay Dhaqaale badan…

Ilo wareedkaan ayaa sheegay in Khasnada Dowladda markii ay baaris ku sameeyeen Guddi ka socda Xafiiska Hantidhowrka la waayay 7-Milyan oo US$, isla markaasna la la’yahay halka ay ku baxday, iyadoo la ogaa iney ku jirtay khasnada Dowlada 17-Milyan oo US$ oo Kaash ah.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Wasiirka Maaliyada Mr.Xasan Shire uu u diray Magaalada Muqdisho xiligii Olalaha Madaxweyne Deni 10-Milyan oo US$, halka 7-dii soo hartay lagala baxay Khasnada, sida ay ii tilmaameen saraakiil ka tirsan Maaliyada oo magacooda ka gaabsaday xaalad amaan awgeed.

Wasiir Xasan, ayaa la sheegay inuu xiligaan ku sugan yahay magaalada Mogadishu, wuxuuna ka wadaa olole sidii looga dhigi lahaa Wasiirka Maaliyada Dowladda Federaalka, kadibna waxaa la sheegay inuu qorsheystay inuu safar ku tago Magaalada Stockholm ee Sweden.

195750cookie-checkMa Dhabaa in Hantidhowrka Puntland Uu Baaris ku hayo Xafiisyada Maaliyada
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

1 thought on “Ma Dhabaa in Hantidhowrka Puntland Uu Baaris ku hayo Xafiisyada Maaliyada

Comments are closed.