Ma Dhabaa In Ciidamada Gorgor Ay Diideen Iney Dagaalka Qeyb Ka Noqdaan

Somalia news

Warar aan xaqiiiqdoodu fadhin oo la helay ayaa tilmaamaya in Hogaanka Ciidamada Gorgor ay ka biyo diideen iney ka qeyb qaataan Dagaalka ay Hogaamiye kooxeedka Villa Somalia ay qorsheysay iney ku qaado fariisimada Xoogaga Hubeysan Mucaaradka…

Waxay Saraakiishu iska diideen duulaan lagu amray sida warku sheegayo, Talaabadaan ayaa waxay ka dhigan tahay haday xaqiiq rasmi ah noqoto in hogaamiye kooxeedku cidlo taagan yahay.

Dhanka kale, Ciidamo ka tirsan NISA-da Gobolka Benadir oo tiradoodu lagu sheegay iney gaarayaan 90 ayaa la sheegay iney ka gadoodeen Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo ayaa isku uruursaday agagaarka Xarunta NISA Ee Gobolka Benadir, Ciidamadaan ayaa ka cabanaaya Gunno La’aan.

Sidoo Kale Saraakiil NISA iyo Boliiska isugu jirta ayaa soo saaray baaq ku Aadan in aan kursi dartiis dhiig loogu daadin Shacbiga dhibateysan, iyadoo muddo kordhin sharci ka baxsan loo adeegsado Ciidamada Dowladda. Iyagoo soo jeediyay ineysan diyaar u aheyn iney ka qeyb qaataan dagaal sokeeye

114880cookie-checkMa Dhabaa In Ciidamada Gorgor Ay Diideen Iney Dagaalka Qeyb Ka Noqdaan