Shan Qof oo loo Qabtay Hub & Rasaas laga dhex helay Bus u Socday Magaalada Nairobi..

Africa News

Wararka naga soo gaaraya magaalada Mandheere ee Dalka Kenya ayaa sheegaya in Xoogaga Amaanka oo Xog ka helay Bus ay Rakaab saaran yihiin lagu soo qariyay Qori AK 47 iyo Rasaas, iyadoo Baaris lagu sameeyay laga helay loona qabtay 5-Qof oo lagu tuhmaayo…

Wararka ayaa sheegay in Falkaan uu dhacay Talaadadii tagtay, waxaana la sheegay in Xoogaga Amaanka ee ka howlgala wadada Tarbaj ayaa qabtay baska kadib markii ay ogaadeen in ay saarnaayeen alaabo kontarabaan ah, Hubka ayaa la helay iyadoo lagu hoos qariyay kursi ka mid ah kuwa rakaabka.

Wararka ayaa intaasi raaciyay in marka laga reebo qoriga AK47-ka ah iyo 201 xabo oo rasaas ah oo nooca 7.62×39mm, waxa kale oo ay Ciidamadu soo heleen qori kale oo aan lahayn nambar taxan, afar qasnadood oo faaruq ah, Dadka la xiray waxaa ka mid ah Wadihii Buska iyo Kaaliyihiisii.

Maamulka Baska Mandera ayaa sheegay in Hubkaan uu lahaa Qof rakaab ah oo gaariga ka raacay Degaanka Kotulo ee degmada Mandheera, iyadoo la aqoonsaday lana xiray iyada oo ay weheliyaan afar xubnood oo ka mid ah shaqaalaha shirkadda, Tirada guud ee Rakaabka oo lagu sheegay 57-Qof.

265730cookie-checkShan Qof oo loo Qabtay Hub & Rasaas laga dhex helay Bus u Socday Magaalada Nairobi..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com