Deg deg:- Dab Xoogan Oo Magaalada Boosaaso ka Kacay & Khasaaraha ka Dhashay..

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Dab xoogan oo saakay kacay Xarun Ganacsi oo lagu magacaabo Fadhi-same kuna taal magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari, Dabkaan oo aan la ogayn waxa dhaliyay, ayaa ku baahay dhismayaal ka agdhow Xarunta gubatay…

Wararka ayaa sheegay in Ciidamada kala duwan ee Puntland, gaar ahaan PSF ayaa qayb ka qaatay Deminta dabka, sidoo kal Shacab aad ubadan iyo Gaadiid dab damis ah oo goobta gaaray ayaa lagu guuleeystay xakamaynta dabka.

Wararka ayaa sheegay iney jiraan Dad badan oo dhaawacmay, dhimasho hal-Qof ah, iyafoo 7-Qof oo ciidan iyo Rayidba isugu jira ayaa dhaawacyo kala duwan soo gaareen, kadib markii uu dulmaray mid kamid ah Gaadiidka dab damiska ee ka qayb qaadanayey daminta dabkii ka kacay xarunta ganacsi ee Fadhisame Boosaaso oo fariinka goostay.

265680cookie-checkDeg deg:- Dab Xoogan Oo Magaalada Boosaaso ka Kacay & Khasaaraha ka Dhashay..