Shaqaale Xabsiga La Dhigay & Sababta Oo Lagu Sheegay Awood Sheegasho

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Beled Weyne Ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Maamulka gobolka, ayaa xabsiga dhigay qaar ka mid ah shaqaalaha Shirkadda Korontada Dayax Power Supply ee Beledweyne….

Ciidamo ka socdo Maamulka ayaa albaabada u laabay  xaruntii Shirkadda, iyagoo kadibna horay u siio kaxeystay shaqaaalahii ku sugna xafiiska oo xabsiga loo taxaabay, Talaabadan ayaa timid kadib markii xarumaha maamulka gobolka laga jaray korontadii laga isticmalayay markii ay bixin waayeen lacago fara badan oo ku aruurtay,

“Tan iyo sanadkii 2015 Maamul kasta oo lasoo magacaabo gobolka Hiiraan wuxuu rabay inuusan bixinin lacagta korontada oo ay si bilash ah ku isticmaalan taasoo aysan Shirkaddu raali ka aheyn “ayuu yiri madaxa Iibka iyo suuq-geynta Shirkadda Dayax Power Supply Xasan C/raxmaan Maxamed.

Maamulka gobolka Hiiraan ayaan ka hadlin xariga iyo awood sheegashada ay kula kaceen  shaqaalaha iyo howlwadeenada  Shirkadda Dayax Power Supply.

74020cookie-checkShaqaale Xabsiga La Dhigay & Sababta Oo Lagu Sheegay Awood Sheegasho