Swan Oo La Kulmay Agaasimaha NISA

Somalia news

Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa kulan gaar ah la yeeshay Agaasimaha NISA Fahad Yaasiin Xaaji Dahir, wuxuuna ka dhacay Xarunta Xalane…

Xogtaan ayaa Diinah.com u tilmaamtay in Kadib markii uu Farmaajo ka Cudurdaartay inuu qaabilo Wakiilka UN-ka Somalia, ayaa la sheegay in kulankan looga hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka, Khilaafyada jira, gaar ahaan doorashooyinka iyo arrimo la xiriira Amniga.

Sidoo kale waxay ilo wareedyadu sheegayaan in James Swan uu farriin u soo dhex marsiiyay Agaasimaha Hey’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka Madaxweyne Farmaajo, oo uu arkay inuu yahay shaqsiga go’aanka siyaasadeed la gaari karo Madaxweynaha, iyadoo loo gudbiyay Qodobada hoos ku xusan.

– In uu aqbalo in si degdeg loo furo wada hadalada DF, Saamileyda Siyaasadda iyo DG xubnaha ka ah DF, si loo dardar geliyo qaabka iyo goorta ay dhaceyso doorashada.
-Inuu xilka iskaga dego si loo badbaadiyo Nidaamka curdanka ah.

Arrinta aadka loo hadal haayo ayaa ah in Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya uu kulan qarsoodi ah la yeesho Taliyaha Sirdoonka, kalana hadlo arrimo siyaasadeed iyo doorashooyinka, iyadoo Madaxweynaha, Guddoomiyaha Baarlamaanka, Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Ra’iisul Wasaaraha ay dalka joogaan.

Xaalada kala guurka siyaasadeed ee dalka ayaa maraya meel xasaasi ah, iyadoo Madaxweyne Farmaajo ay soo wajaheen cadaadisyo siyaasadeed uga imaanaya Beesha Caalamka oo ku aadan inuu qaato door hoggaamineed oo uu isugu keeno dowlad goboleedyada iyo daneeyaasha siyaasadda, si looga hadlo doorasho heshiis lagu yahay.

40870cookie-checkSwan Oo La Kulmay Agaasimaha NISA