Sheekh Axmed Madoobe Oo Qaabilay Danjiraha Mareykanka Ee Somalia

Somalia news

Madaxweynaha Jubbaland Sheekh Axmed Madoobe ayaa Hoteelka uu ka degan yahay Xerada Xalane ee Xeyndaabka Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Mogadishu ku qaabilay Safiirka Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya Danjire Donald Yamamoto. Labada dhinac ayaa ka wada hadlay arrimaha doorashada iyo sidii caqabadaha ka jira meesha looga saari lahaa shirka soo socdo u noqon lahaa mid najaxa….

Wakiilada Mareykanka, Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobey ayaa si weyn Madaxda Siyaasadda cadaadis ugu saaraya sidii heshiis looga gaari lahaa hirgelinta doorashada, kaddib markii muddo xileedka dowladda Federaalka uu dhamaaday iyadoo aanan horumar laga sameynin hirgelinta hannaankii doorashada ee 17 September.

100700cookie-checkSheekh Axmed Madoobe Oo Qaabilay Danjiraha Mareykanka Ee Somalia