Is-rasaaseen Xoogan Oo Ka Socota Dhuusa Mareeb..

Politics

DEG_DEG:-Wararka hordhaca ah ee naga soo gaaraya Magaalada Dhuusa mareeb ayaa sheegaya in Maleeshiyaadka Garabka Farmaajo ay isku dayeen iney qabsadaan Xarunta Inj ee Hogaanka Suufiyada, kadib markii ay weerar gaadiid ah ku qaadeen.

Xogtaan ayaa Diinah.com u sheegtay in jab xoogan loo geysteen Maleeshiyaadka Bac ka sii ee Farmaajo ka keenay Magaalada Muqdisho, waxeyna isku uruuursadeen Xarunta Gobolka, waxaana inta isbaarooyinkii ay joogeen la wareegay caawa Xoogaga Ahlu sunnah, iyadoo ay jiraan dhimasho iyo dhaawacyo soo kala gaaray labada dhinac iyo Dadka rayidka ah ee degan xaafada.

Wararka ayaa intaasi raacinaaya in xaalada ay caaawa aad u kacsan tahay, iyadoo Ciidamo ka tirsan kuwa Amisom (Jabuuti iyo Ethiopia), ay isku wareejiyeen Xarunta uu degan yahay Hogaamiyayaasha koxeedka Qorqor, waxaana ka jirta xaalad kacsanaan ah.

Lasoco wixii ku soo kordha

19240cookie-checkIs-rasaaseen Xoogan Oo Ka Socota Dhuusa Mareeb..