Ciidamo Laga Soo Dejiyay Garoonka Diyaaradaha Ee Muqdisho

Somalia news

Garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ayaa shalay iyo dorraad laga soo dejiyay boqolaal Ciidamo ah oo tababar ku soo qaatay dalka Eritrea, sida ay sheegeen saraakiil dowladda ka tirsan….

Diyaarad kuwa Ciidamada Cirka Dalka Qatar ayaa habeenimadii Sabtidii ka soo degtay, waxeyna keentay ciidan lagu sheegay ilaa 250 Askari, waxayna Muqdisho ka qaaday shalay dhalinyaro kale oo tababar loo rabo.

Sidoo kale diyaarad kale ayaa shalay ka soo degtay garoonka Muqdisho waxaana la sheegay iney keentay ciidan kale oo tababar ku soo qaatay Eritrea, halka kuwo kale a ay qaaday.

Ciidanka tababarka soo qaatay ayaa la sheegay in ay qabaan tababar gaar ah waxaana loo qorsheeyay Ilaalinta Maamulka Fashilmay ee Farmaajo isla markaasna lagu caburiyo Siyaasiyiinta iyo Musharaxiinta.

Dhowr bilood kahor ayaa warbaahinta waxaa qabsaday hooyooyin Soomaaliyeed oo ka cabanaya in wiilashooda loo qaaday Eritrea aysan muddo bilo ah war ka hayn. Hooyooyinkaas ayaa markii dambe si gaar ah loola hadalsiiyey wiilashooda, kuna qancay

41930cookie-checkCiidamo Laga Soo Dejiyay Garoonka Diyaaradaha Ee Muqdisho