Shirka M/Goboleedyada Iyo Qodobada Miiska Saaran

Somalia news

Ilo xogogaal ah ayaa Diinah.com news u xaqiijiyay in Qodobada ugu muhiimsan ay ka mid noqon doonaan, Shirka maanta ka furmaaya Magaalada Dhuusa mareeb ee Gobolka Galguduud….

Waxaana ka mid ah;-

1-In maamul goboleedyaddu dib u soo nooleeyaan wada shaqeyntii iyo isku xirnaanta ay la haan jireen.

2-In laga heshiiyo doorasho ku dhacda waqtigeeda oo la isla ogol yahay, hadaladdii mudda kororsiguna meesha uu ka baxo.

3-In kuraastii Xildhibaanadda ee deeganadoodii laga wareejiyey lagu celiyo oo sidaas dowlad goboleedyaddu ay ku helaan awooddoodii aheyd in ay soo saaraan Xildhibaanadda iyagu rabaan.

-In laga soo horjeesto Shuruucada ay Xildhibaanada Barlamaanka ansixiyeen todobaadyadii ugu dambeeyay.

Shirka iskaashiga maamul goboleedyadda, ayaa laga yabaa iney ku soo biiraan Gudoomiyaha Aqalka Sare iyo Ra’iisul wasaaraha Dowlada Federaalka iyo wefdigii ay hogaaminayaan.

46850cookie-checkShirka M/Goboleedyada Iyo Qodobada Miiska Saaran