Deni Oo Lagu Eedeeyay inuu u Isticmaalaayo Hantida Dowladda Danihiisa dib u Doorashada

Somalia news

Qeylo dhaan ayaa laga soo saaray qorshe guracan oo uu dejiyay Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland (Dani), isagoo lagu eedeeyay inuu dejiyay diwaagelin doorasho hal dhinac ah oo ku koovan Xisbigiisa (Kaah), sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo loo qaateen ah…

Xogtaan ayaa u sheegtay Warsidaha Diinah.com news in Mr.Deni uu amar ku bixiyay in Shaqaalaha Rayidka ee Maamulka iyo kuwa Ciidamada ay ka qeyb qaataan ololaha diwaangelinta kuwaasoo xaaraan ja ah ku milinka Siyaasada, wuxuuna g’aansaday inuu qabto Doorasho noocii Hantiwadaaga ama kacaankii Militeriga Somalia.

Xisbiyada Degaanka ayaa iska diiday iney qeyb ka noqdaan nooca doorasho ee uu xushay Mr.Dani, sababo ku aadan Damaca dahsoon ka leeyahay geedi socodka doorashada oo ku dahsoon muddo korarsi, iyadoo Xisbiyada Mideeye, Horseed iyo Ururka Dhalinyarada ayaa ka biyo diiday Qorshaha, waxeyna cod dheer ku sheegeen ineysan qeyb ka noqoneynin doorasho dhinac ah.

Korjoogtada Doorashada ayaa soo warisay cabsi gelin la socota laalush, si loo fududeeyo cod kala iibsasho iyo ku tagrifal awoodeed kuwaasoo ay wadaan saraakiisha ka howlgasha Madaxtooyada, iyadoo la adeegsanaayo Hantida Shacbiga laga soo uruuriyay, waxaana loogu baaqay Dowladda Federaalka iyo Saaxiibada Caalamka iney soo fara geliyaan si uusan degaanka u aafon dagaal sokeeye.

233130cookie-checkDeni Oo Lagu Eedeeyay inuu u Isticmaalaayo Hantida Dowladda Danihiisa dib u Doorashada