EU-da Oo Shaacisay Dhaqaalaha Ay ku Bixiyeen Stadium Muqdisho

Somalia news

Midowga Europe Oo qeyb ka ahaa Deeqo lagu dayactiray Garoonka Ciyaaraha ee Stadium Muqdisho, iyadoo Dalalka Norway, Denmark iyo FIFA ay sidoo kale Dhaqaale ugu yabooheen dayactirka Garoonkaasi, oo ku burburay dagaaladii sokeeye ee Dalka ka dhacay….

Sida ay sheegeen Saraakiil EU-da, waxeyna ka qeyb qaateen Dayactirka Garoonka, Gaar ahaan Qeybaha VIP, Qololka Qubeyska, Qolalka Shirarka iyo Qeybta Baaburta la dhigto (Parking), waxaana uu sheegay in Guud ahaan ay ku baxay Dhaqaale dhan 1,5 US$.

Ilo xogogaal ah ayaa Diinah.com news u xaqiijiyay iney jiri doonto waji 2-aad Oo Dib u dayactir lagu saameyn doono Hoteel, Maxkamado iyo garoomo kale oo ciyaaraha ah.

Wadooyinka Soo gala Garoonka Stadium Muqdisho ayaa la sheegay in la dayactiray, waxaana ka qeyb qaatay maalgelintiisa Dalka Denmark Iyo Hey’ado kale, waxaana fulisay Dowlada Federaalka

46880cookie-checkEU-da Oo Shaacisay Dhaqaalaha Ay ku Bixiyeen Stadium Muqdisho