Shirka Teendhada Afisioni Oo Weli Khilaaf Xoogan Ka Taagan Yahay

Somalia news

Qoraal ay soo saareen Siyaasiyiinta Gobolada Waqooyi (Somaliland), gaar ahaan garabka Gudoomiyaha Aqalka Sare Mr.Cabdi Xaashi hoggaamiyo ayaa sheegay in aysan qayb ka ahayn shirka wadatashiga dooarshada ee Muqdisho

Labada garab ee siyaasiyiinta Gobolada Waqooyiga oo ay kala hoggaamiyaan Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Guuleed iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi ayaa ku heshiin waayay guddiga doorashada xildhibaannada Waqooyi, iyadoo isku dayo lagu dhexdhexaadinaya ay fashilmeen.

Qoraalka garab kamid ah Siyaasiyiinta Gobolada Waqooyiga ayaa ku soo aadaya, iyadoo la filayay in maanta la soo xiro shirka wadatashiga doorashada Soomaaliya oo muddo 5 maalmood ah ka socday Teendhada Afisiyone.

Dhanka kale warar aan helnay ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaare Rooble iyo qaar kamid ah madaxweynayaasha dowlad goboleedyadu wadaan dadaalo lagu xallinayo khilaafka siyaasiyiinta Waqooyi, lagana yaabo in xal laga gaaro saacadaha soo socdo.

121210cookie-checkShirka Teendhada Afisioni Oo Weli Khilaaf Xoogan Ka Taagan Yahay