Maxaa Lagu Falanqeeyay Kulan-Siyaasadeedka Kooxda Ictisaam Ee Magaalada Nairobi (Kenya)

Somalia news

Sida ay xaqiijiyeen ilo war gal ah oo ku sugan magaalada Nairobi, waxaa Todobaadkii ugu dambeeyay ka socday Kulan-Siyaasadeed ay lahaayeen Urur-diimeedka siyaasada ku milan ee Al-Ictisaam Xubnihiisa ugu muhiimsan kuwaasoo ka tashanaaya sidii ay kaalin muuqata ugu yeelan lahaayeen Doorashada Hogaanka Somalia…

Kulankaan ayaa xiriir la lahaa kulamo doceedyo oo qaar ja mid Horjoogayaasha Kooxdaan iyo kuwo ay xulufo yihiin ku qabaadeen magaalooyinka Dubai (UAE) Jiddah (Sacuudiga), Djibouti & Magaalooyinka Hargeysa & Mogadishu, waxaana looga dooday kulamadaasi sidii musharax lagu mideysan yahay ay Ururku u taageeri lahaa Doorashada Madaxtinimada Somalia.

Kulankaasi hirgelintiisa uu dhaqaale badan ku bixiyay Eedeysane Fahad Yaasiin oo wakiil ka ah Farmaajaha fashilmay, wuxuuna Xerta Hogaanka u heysa Ururka culeys ku saaray in aan laga leexin Go’aankii ay horey u gaareen oo ahaa in La taageero musharaxnimada Farmaajo, iyadoo Kukankaasi lagu balanqaaday in Musharixiinta Ururka ka tirsan (Daahir Gelle & Cabdulqaadir Cosoble) culeys lagu saaro iney ka haraan Tartanka dhaqaalaha ka baxayna loo celiyo.

Kulanka ayaa la sheegay in Xubn Wadaado Mucaarad ah oo uu ka mid yahay Sheekh Maxamed Idiris ay soo jeediyeen in aan la taageerin Farmaajo, isagoo ku eedeeyay inuu Soomaalida kala geeyay, isla markaasna la taageero Sheekh Shariif oo ka mid ah Musharixiibta u taagan Xilka Madaxtooyada Somalia.

176900cookie-checkMaxaa Lagu Falanqeeyay Kulan-Siyaasadeedka Kooxda Ictisaam Ee Magaalada Nairobi (Kenya)