Diyaaradaha Mareykanka oo Duqeyn Ka Fuliyey Duleedka Kismaayo

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa howlgal duqeyn ah oo Ciidamada Mareykanka ka fuliyay degaano hoos hoos taga Gobolka Jubada hoose, iyadoo weerarkasn uu dhacay Jimcihii shalay lagu dilay shan xubnood oo ka tirsan kooxda Shabaabka…

Duqeyntan ayaa ah tii ugu horeysay ee lagu bartilmaameedsado kooxda Alshabaab ee Soomaaliya tan iyo bishii February, waana weerarkii ugu horeeyay ee ka dhaca Somalia tan iyo markii Madaxweyne Joe Biden uu amar ku bixiyay bishii may in ciidamo badan oo Mareykan ah ay dib ugu soo laabtaan Somalia.

War saxaafadeedka Dowlada Somalia ayaa lagu sheegay in duqeynta Mareykanka ay timid ka dib markii dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ay jimcihii shalay weerar ku qaadeen ciidamo ku sugnaa degaanka Beer Xani ku dhow magaalada Kismaayo.

192780cookie-checkDiyaaradaha Mareykanka oo Duqeyn Ka Fuliyey Duleedka Kismaayo