Shirkaddo Shidaal Oo Looga Digay Iney Heshiis Boob ah La Gaaraan Maamulka Farmaajo

Somalia news

Shirkadaha Liberty Petroleum and Coastline Petroleum, ayaa digniino adag hawada loo mariyay, waxaana loo sheegay iney joojiyaan ku lug lahaanshahooda heshiisyada shidaal ee aan sharciyada haysan ee Maamulka Farmaajo oo mudo xileedku ka dhamaaday…

Madaxda Shirkadahaan ayaa looga digay iney ku fududaan Heshiis kasta oo ay la saxiixadaan Maamulka Farmaajo ee Sanad ka hor lumiyay sharciyadii uu Dalka ku hogaaminayay,waxa uu noqonayaa mid aan waxba ka soo qaad laheyn.

Waxaa la xaqiijiyay iney jiraan koox ka wakiil ah Dowlada wakhtigeedu dhamaaday ee Farmaajo oo wada dadaal ay Shirkadahaas ku tartarsiinayaan iney heshiis la galaan, madaxda Shirkadahaas oo ka faa’idaysanaya kooxdan, ayaa danaynaya heshiis qiimo jaban ah iney kala haraan Dowlada aan sharciyada haysan ee Farmaajo.

169440cookie-checkShirkaddo Shidaal Oo Looga Digay Iney Heshiis Boob ah La Gaaraan Maamulka Farmaajo