Shuruudo Adag Oo Lagu Xiray Duqeymaha Kooxda Shababka

Somalia news

Maamulka Biden ayaa isbedelo ku sameeyay isla markaasna shuruudo adag ku xiray Duqeymaha ay Ciidamada Mareykanka ka fuliyaan Gudaha Somalia kuwaasoo la la beegsado Horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka Kooxaha argagixisada Ee ka howlgala Dalka…

Sida lagu daabacay Wargeyska The Wall Street Journal Duqeymaha qorsheysan Ee diyaaradaha iyo Drones-ka Ciidamada USA Ee Dhanka ka ah Maleeshiyaadka Kooxaha argagixisada ayaa hadda u baahnaan doonaan Fasax laga helo Xafiiska Aqalka Cad ee looga taliyo Mareykanka, iyadoo muddada uu hadda Xilka hayo Madaxweynaha USA uusan fasaxin howlgal duqeyn ah.

Hadal-hayeenka Ciidamada USA ee Africa (Africom) ayaa ka gaabsaday inuu sharaxaad ka bixiyo sababta horseeday hakadka ku yimid Howlgalada Duqeymaha Diyraadaha Iyo drones Mareykanka, sidoo kale wuxuu diiday inuu wax ka sheego in Taliyayaasha Ciidamada ay weydisteen in la fasaxo tiro howlgalo Duqeyn ah.

Dagaalka Duqeymaha Ee Ciidamada Mareykanka ayaa 4-tii sano Ee la soo dhaafay Waxaa Maamulka Trump u xil saaray Taliyayaasha Ciidamada iney bixiyaan amarada lagu duqeynaayo goobaha lagu tuhmaayo Horjoogayaasha Kooxaha argagixisada iyo Maleeshiyaadkooda, inkastoo duqeymahaasi intooda badan ay waxyeelo u geysteen dad rayid ah.

129230cookie-checkShuruudo Adag Oo Lagu Xiray Duqeymaha Kooxda Shababka