Shuruudo Lagu Xiray Dadaalada Lagu Xakameynaayo Dagaalka Ethiopia

Africa News

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Dadaalada Nabad raadinta ee Dagaalada ka socda Waqooyiga Ethiopia, iyadoo la sheegay in labada dhinac ay Shuruudo adag ku xireen joojinta Dagaalada sokeeye ee sanad jirsaday, talaabadaan oo sii adkeyneysa Xaalada colaadaha iyo Abaaraha ee dalkaasi ka oogan..

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya Dina Mufti ayaa sheegay in haddii TPLF ay ka go’an tahay in laga xaajoodo colaadda looga baahan yahay in ay kasoo baxaan shuruudahaan kala ah.

Iney dib uga baxaan magaalooyinka ka baxsan Ismaamulka Tigray oo ay ku ekaadaan soohdintooda gaar ahaan deegaannada Cafarta & Amxaarada oo TPLF ay ka qabsatay dhul baaxad weyn si ay uga dhigato aag dagaal.

Qodobka kale waa in aanay wax shuruud ah miiska soo dhigin marka la damco in laga wadahadlo masiirka mustaqbalka Itoobiya oo Xukuumadda ay ka go’an tahay in aanay ka gorgortamin.

Dhanka Jabhadaha Hubeysan ayaa la sheegay iney dalbadeen in si deg deg loo joojiyo abaabulka iyo Dadweynaha la hubeynaayo, in shuruud La’aan la oggolaado in Gargaarka loo gudbiyo Gobolada Waqooyiga Oo Saameeyay Dagaalka & in Dalalka hurinaaya Colaada ay faraha kala baxaan Arrimaha Ethiopia.

150550cookie-checkShuruudo Lagu Xiray Dadaalada Lagu Xakameynaayo Dagaalka Ethiopia