Sidee Looga Xakameyn karaa Duulanada Kooxda Argagixisada ee Wabarigii ku qaadan Fariisimada Ciidamada..

Somalia news

Warbixino welwel xambaarsan ayaa tilmaamaya in Maamulka Villa Somalia lagu eedeeyay iney si dadban u burburiyaan Ciidamada iyo Saanada Dowladda isla markaasna u hubeeyaan kooxda Argagixisada Shababka, kadib markii Labadii weerar ee ugu dambeeyay ee Buulo mareer iyo Masagawaay ay Kooxdu qabsadeen Gadiid dagaal iyo keyd saanad…

Xogtaan ayaa xaqiijisay intii uu howlgalka uu ku dhawaaqay Maamulka Fashilka ah ee Villa Somalia ay u suurto gashay Kooxda argagixisada iney qabsadaan in ka badan 250 -Gaadiidka Ciidamada iyo Tiro badan oo noocyada hubka, Dharka Ciidamada, Qalabka Isgaarsiinta, Daawo, Raashin iyo Rasaasta laga soo bilaabo intii uu xilka la wareegay Maamulka Xasan Sheekh.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in ugu yaraan 900-Askarta Dowladda iyo Kooxaha hubeysan ee Beelaha Abgaal iyo Xawaadle (Macawisley) lagu dilay ama lagu dhaawacay, lamana yaqaano Tirada dhabta ah ee Maxaabiista, dhibaatadaan ayaa loo tirinayaa Qorshe xumo ku saleysan khibrad la’aan, strateejiyad la’aan iyo laab la kac ka timid Madaxtooyada isla markaasna lagu qasbay Hogaanka Ciidamada iney hirgeliyaan.

Khubarada Ciidamada ayaa muddo ka digaayay Qorshahaan gurcan ee Maamulka Koox diimeedka Damu jadiid ee lagu leynaayo (Ciidamada) Dhalinyarada Soomaaliyeed, iyadoo 370-KM degaano u jirta Caasimada la geeyay kadib aan dib loogu laaban, iyadoo Kooxda Shababka ay marba degaan ku duulaan kana furtaan Hubka Saanada Ciidamada.

258860cookie-checkSidee Looga Xakameyn karaa Duulanada Kooxda Argagixisada ee Wabarigii ku qaadan Fariisimada Ciidamada..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com