QM oo Walaac ka Muujisay Dhaqaale yaraanta Qaarada Africa & Dalal mid ah Bariga dhexe..

Africa News World

Warbixino ay soo diyaarisay Qaramada Midoobay ayaa lagu xusay in QM dhaqaalahoodu hooseeyo ee Afrika iyo Bariga Dhexe ayaa la sheegay iney ka maqnaan doonaan booska soo kabashada caalamiga ah ee heerarka shaqo la’aanta sanadkaan,sidaasi waxaa lagu sheegay qoraal ka soo baxay Ururka Shaqaalaha dunida ee QM ILO…

Warbixintaan Shaqo la’aanta ka jirta Waqooyiga Afrika iyo Dalalka Carabta ayaa la saadaalinayaa inay noqon doonto 11.2 iyo 9.3 boqolkiiba sanadkaan ,taasoo ka sii dari karta heerarkii hore ee masiibada, Shaqo la’aanta adduunka ayaa la filayaa inay hoos ugu dhacdo 5.3 boqolkiiba sanadkaan, halka sanadihii 2022 iyo 2019 uu hoos u dhacu gaaray 5.4 boqolkiiba iyo 5.5 boqolkiiba, iyadoo suuqyada shaqadu ay ka soo ka banayaan naxdinta cudurkii COVID-19.

Inta badan soo kabashada waxay ku dhici doontaa wadamada dakhligoodu sarreeyo ee caddeeyey inay si la yaab leh ugu adkeysteen jahawareerka dhaqaale, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay Ururka Shaqaalaha Adduunka (ILO) Arbacadii, Kala qaybsanaanta shaqada ee sii kordheysa ayaa timid iyadoo dhaqaalaha adduunka la filayo inuu koro 2.8 boqolkiiba sanadkaan,halka sanadkii hore uu hoos uga dhacay 3.4 boqolkiiba.

258920cookie-checkQM oo Walaac ka Muujisay Dhaqaale yaraanta Qaarada Africa & Dalal mid ah Bariga dhexe..