Duqeymo & Dagaal ka Socda Duleedka Degmada Laas caanood..

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Laas caanood ee Gobolka Sool ayaa sheegaya in in saakay mar kale uu dib u qarxay Dagaal u badan Duqeyn una dhaxeeya, Xoogaga SSC iyo kuwa Maamulka Somaliland, iyadoo Dirirtaan ay xoogeedi ka socoto Bariga iyo Galbeedka Magaalada lana isku adeegsanaayo noocyada Hubka..

Goobjoogayaal ayaa Warsidaha Diinah.com news u sheegay in Maleeshiyaadka Beesha Dhexe ay maalintii 3-aad Madaafiic si daran ugu garaacayaan Xaafadaha magaalada, Walloow aan lasoo warin khasaaraha Madaafiicda, hadana waxaa lagu soo waramayaa in dagaal la is horfadhiyo uu ka socdo labo jiho oo magaalada ah.

Dhawaqa noocyada Madaafiicda iyo Rasaasta ayaa sii xoogaysanaysa, ilaa hadda mana jiro Warar faahfaahsan oo laga helayo aagaga dagaalka, Horjooge Muuse Biixi iyo Madaxa Maleeshiyaadkiisa ayaa ku hanjabay iney duulaan ka dhan ah reer SSC ku qaadayaan, islamarkaana go’aansaday iney la wareegaan magaalada, inkastoo isku daygaasi uu fashilmay.

263000cookie-checkDuqeymo & Dagaal ka Socda Duleedka Degmada Laas caanood..