EU-da & Bangiga H/Africa Oo Ku Heshiin Waayay Hirgelinta Mashruucyo

Somalia news
Dib u dhaca ayaa ku yimid wadahadaladii u dhaxeeyay Midowga Yurub iyo Bangiga Horumarinta Afrika ayaa caqabad ku noqday mashruuc lagu dhisayo Wadooyinka Somalia oo gaaraya Aduun dhan 42 milyan oo Euro oo la ansixiyay sanadka 2019...

Wafdiga Midowga Yurub ee Somalia iyo Wasaaradda Qorsheynta ayaa si wada jir ah u sheegay wada hadal ay la yeesheen Bangiga Horumarinta Afrika oo lagu waday inuu hirgeliyo mashruucan uu dib u dhac ku yimid howlihii dhismaha ee hoos imaan jiray Barnaamijka Kaabayaasha Dhaqaalaha ee Wadooyinka Somalia (SRCIP).
Midowga Yurub iyo Somalia ayaa waxay kala saxiixdeen heshiiska SRCIP bishii Juun 2019, Qandaraaska waxaa ku jira dib u dayactirka iyo dhismaha Wadada Beled Weyne - Gaalkacyo oo ka kooban 327 km, Wadada Gaalkacayo - Garoowe (240km) iyo Wadada Gaalkacayo - Hobyo oo dhererkeedu yahay 241km,

SRCIP waxay kaloo hirgelinrysaa Mashruuca dib u dayactirka wadada Luuq, Ganane - Doolow oo masaafo dhan 80km ah, kana tirsan Gobolka Gedo.

Qeybta labaad ee Mashruuca Dayactirka Wadada-Jalam-Xarfo oo lagu soo dallacay 6 milyan oo Euro lana saxiixay bishii Diseembar 2019 wuxuu ku socdaa hirgelinta Xafiiska Qaramada Midoobay ee Adeegyada Mashruuca (UNOPS). Tani waxay qayb ka tahay Mashruuca Wadada Gaalkacyo - Garoowe.

“UNOPS waxay bilawday geedi socodka hirgalinta wadadan, howshana si buuxda ayey u socotaa. Ilaa iyo hadda, daraasadda suurtagalnimada waa la soo gabagabeeyay, waxaana la sameeyay tijaabooyin maaddo ah, ”ayaa lagu yiri bayaanka wadajirka ah.

102130cookie-checkEU-da & Bangiga H/Africa Oo Ku Heshiin Waayay Hirgelinta Mashruucyo